Ruushka iyo Maraykanka oo Isweydaarsaday Maxaabiis Ukala xirnaa Labada Dal.

11
0

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan CIA-da, in Mareykanku uu qaaday talaabo maxaabiis isweydaarsi ah oo uu lagalay Ruushka subaxnimadii Khamiista.

Moscow ayaa sii deysay Ksenia Karelina oo u dhalatay dalka Maraykanka, taas oo sanadkii 2024-kii lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyadoo lagu eedeeyay khiyaano qaran, Qareenkeeda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hada lasii daayay, ayna aadi doonto dalka Maraykanka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay, in Karelina oo Amerikaan ah ay soo raacday diyaaradii dib ugu celinaysay Maraykanka.

Dhanka kale, Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu sii daayay muwaadin u dhashay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Arthur Petrov, kaasoo lagu xiray Qubrus sannadkii 2023-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here