Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay, in Ruushku uu Ukraine ku weeraray 113 diyaaradood oo aan duuliye lahayn. Waxayna intaas ku dareen, inay u suurtagashay inay soo ridaan 57 ka mid ah diyaaradahaas, halka 56 kalana aysan gaarin bartilmaameedkii ay doonayeen, iyadoo ay u badan tahay inay ku timid cillad dhinaca electronic-ga ah.
Ciidamada cirka ayaa sheegay in Ruushka uu sidoo kale gantaal nooca S-400 ku riday bartamaha Ukraine, balse uusan geysanin wax khasaare ah. Ruushka ayaa maalin walba qaadaya weerarro ka dhan ah Ukraine isagoo adeegsanaya Tobanaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn si uu u baabi’iyo difaacyada hawada ee Ukraine.
Geesta kala, Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqay, inuu soo riday 19 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine, iyadoo maamulka magaalada Kazan ee xarunta Jamhuuriyadda Tatartan ee Ruushka uu shaaciyay, in subaxnimadii Sabtida magaaladaas lagu qaaday weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaas oo beegsaday 3 xaafadood oo kamida magaalada, taasoo keentay in dab uu ka kaco dhismayaal dhowr ah oo la dagan-yahay.
Waxaa intaa dheer in si ku meel gaar ah loo hakiyay howlihii garoonka diyaaradaha ee Kazan ee dalka Ruushka.
Wakaaladda Gaadiidka Cirka ee Faderaalka ee Ruushka Rosaviatsia ayaa ku sheegtay Telegram, in garoonka diyaaradaha ee Kazan uu hakiyay imaatinka iyo bixista, kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay weerar ku qaadeen magaalada.