Dawladaha Yukrayn iyo Ruushka ayaa is dhaafsaday boqollaal duqeymo ah, kuwaas oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee darooniska, weeraradan ayaana sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.
Wakaaladda wararka ee Rooytaris oo soo xiganaysa ilo rasmi ah oo ka tirsan maamulka Yukrayn ayaa sheegtay, in Ruushku uu dalkaasi ku weeraray laba gantaal iyo 183 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo qaar kamida ay burburiyeen dhismayaal la dagan yahay.
Dhankeeda, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in nidaamkeeda difaaca cirka uu qabtay inka badan 170 diyaaradood oo daroonis ah, kuwaas oo duulaan ku ahaa gobalada dalkaas, waxay sidoo kale ciidamada Ruushku ka hor tageen 14 doomood oo kuwa dagaalka ah oo laga laha dalka Yukrayn.
Hawgaladan ay labada dhinac is waydaarsadeen ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maamulka Maraykanku uu heshiis cusub oo hub ah uu lagalay dalka Yukrayn, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, iyada oo ku dhawaaqday inay ogaysiisey aqalka Koongareeska inay ansixiyeen heshiis ku kacaya 310 Millyan oo Doollar, kaas oo ay ku jiraan bixinta shixnado hub ah iyo dayactirka diyaaradaha dagaalka ee F-16.