Websaytka Bloomberg ee Maraykanka ayaa soo xigtay ilo ku dhow Aqalka Kremlin-ka oo xaqiijinaya, in Ruushku uusan lahayn qorshe uu ku badbaadinayo Bashaar Al-Asad, iyadoo la eegayo xawliga uu ku socda hawl gallada xoogagga hubaysan ee mucaaradka Suuriya ee gacanta ku haya dhul ballaaran oo dalkaas ka tirsan, Ilaha Ruushka ayaa intaa ku daray, in aysan filaynin wax qorshe ah oo lagu badbaadinayo Assad.
Arrintan ayaa timid wax yar uun kaddib markii safaaradda Ruushka ee Dimishiq ay ka codsatay muwaadiniinta Ruushka inay isaga baxaan dalka, xaaladda ka sii daraysa awgeed, qoraal ka soo baxay safaaradda ayaana lagu sheegay inay si caadi ah usii wadi doonto shaqadeeda.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay, in xasilinta xaaladda Suuriya aysan ahayn arrin sahlan, wuxuuna ku tilmaamay waxa dhacaya ciyaar adag oo ay ka qayb qaadanayaan dhinacyo badan.
Lavrov ayaa intaas ku daray, in uu kala hadlay dhiggiisa Turkiga iyo Iiraan arrimaha ku saabsan xaaladda Suuriya, wuxuuna sheegay, in Saddexdoodu ay isku afgarteen inay kulmaan toddobaadkan, isagoo rajo ka muujiyay in kulanka uu ka dhici doono Dooxa.
Turkiga, Ruushka iyo Iran ayaa si joogta ah u yeeshay wadahadallo Saddex geesood ah oo ku saabsan mustaqbalka Suuriya, Ankara ayaana taageersan mucaaradka Suuriya, halka Moscow iyo Tehran ay taageerayaan Assad.