Ruushka oo Burburiyay Warshad Taangiyada Sameysa oo ku Taalla Koonfurta Ukraine.

37
0

Ciidamada Ruushka ayaa burburiyay warshad soo saarka taangiyada iyo gawaarida gaashaaman, oo ku taalla magaalada Nikolaev ee koonfurta Ukraine, kadib markii ay ku garaaceen gantaallo kuwa riddada dheer ah, taasoo keentay in  warshadii ay shaqada joojisa.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay, in warshaddaas lala beegsaday 5 gantaal oo sababay burburka 5 dhisme oo muhiim ah, 6 taangiyo ah  iyo 4 baabuur oo kuwa gaashaaman,  oo yaalay barxadda mid ka mid ah dhismayaashaas, waxaana laga  joojiyay warshadda gabi ahaanba shaqadii ay haysay.

Isku-duwaha hawlaha qarsoodiga ah ee degmada Nikolaev, ninka lagu magacaabo Sergey Lebedev  , ayaa sheegay Shalay Talaadadii, in weerarrada loo adeegsaday gantaallada lagu bartilmaameedsaday warshadda aan soo sheegnay,  Waxa uu tilmaamay in dab xooggan uu ka kacay mid ka mid ah xarumaha Warshadda, ayna ku dhinteen in ka badan 30-ruux.

Mar sii horaysay wargeyska The Economist waxa uu daabacay warbixin muujinaysa, isku dayga Ruushku ku doonayo in uu ku qabsado warshad birta soo saarto  oo muhiimka u ah Ukrain, ujeedaduna ay tahay in la curyaamiyo warshadaynta birta ee dalkaas, taas oo muujinaysa talaabooyinka uu Ruushku qaadi karo si uu u gaaro yoolkiisa, oo ay kamid tahay jarista korontada iyo burburinta waddooyinka muhiimka ah.

Wargeysku waxa uu ku sheegay warbixin uu soo saaray, in ciidamada Ruushku ay aad ugu sii dhawaanayaan magaalada bari ee Pokrovsk, taas oo qarka u saaran in uu ka dhaco dagaal balaaran galbeedka magaaladaas, ciidamada Yukrayn waxay rajeynayaan in haddii laga adkaado ay dib uga laabtaan magaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here