Ruushka oo Dhoolatusyo Waaweyn ka Bilaabay Xeebaha Badda Balqaan.

10
0

Ruushka ayaa dhoolatus milateri oo aad u ballaaran ka bilaabay xeebaha badda Balqaan-ka, kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan maraakiibtiisa badda iyo ciidamadiisa cirka, si ay u xoojiyaan difaacooda iyo ilaalinta danahooda.

Wakaalladda Wararka Ruushka ee Interfax oo soo xiganeysa Ciiddanka Badda ee Ruushka ayaa sheegtay, in Moscow ay bilowday dhoolatusyo waaweyn oo ay ku sameynayaan xeebaha Balqaan, ayna ka qeyb-qaadanayaan 20-markab oo kuwa dagaal ah iyo 3 Kun oo askari, kuwaas oo ay kor ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka.

Talaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo cirka isku sii shareerayso xiisadda ka dhex aloosan Ruushka iyo dowladaha gaashaan-buurta NATO, kadib markii ay dowladda Fiillaan ku biirtay isbahaysigaas.

Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeedka maalmihii lasoo dhaafay ayaa muujinayay, in Ruushka uu ciidamo khibrad kasoo korarsaday dagaalka Yukrayn iyo basaasiin soo dhoobay xadka uu la wadaago dalka Fiillaan, taasoo walaac ku beertay dowladaha reer galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here