Ruushka ayaa manta oo Arbaco ah sheegay, in aysan jirin wax wada xaajood ah oo looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine. Wuxuuna sheegay in ay dagaalka sii wadi doonaan illaa ay guul taariikhi ah ka gaaraan.
Afhayeenka Kremlin-ka ayaa sheegay, in dalal dhowr ah ay diyaar u yihiin inay martigeliyaan wadahadal nabadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax wada hadal ah oo ay la galayaan Ukraine, isagoo carrabka ku adkeeyay mawqifka adag ee ay Moscow ka lee dahay dagaalkan.
Hadal haynta wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeya Rushka iyo Ukraine ayaa noqday kuwo soo noqnoqda tan iyo markii Donald Trump uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka bishii November ee la soo dhaafay.
Peskov ayaa intaa ku daray, inuu uga mahadcelinayo dhammaan waddamada doonaya inay dalalkoodu marti galiyaan wadahadaladan, wuxuuna xusay dawladda Qatar oo kamid ah dawladaha isku dayaya inay heshiiskan uu dalkooda ka dhaco. Qatar ayaa horay uga shaqaysay sidii loo soo celin lahaa maxaabiis Yukrenian ah oo lagu haystay dhanka Ruushka , kuwaas oo ka mid ahaa maxaabiis badan oo la qabtay tan iyo bilowgii dagaalka.
Kremlin-ka ayaa marar badan sheegtay, in aysan wax gor-gortan ah la geli doonin madaxweyne Volodymyr Zelensky illaa Ukraine ay ka tanaasusho hamigeeda ku biirista NATO oo ay ciidamadeeda kala baxdo dhulka ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Ruushka.