Ruushka ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedinta madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ee ahaa in dhul ay ciidamada Ruushka qabsadeen ee Ukraine lagu beddelo meelaha ay Kiev ka taliyaan ee gudaha Ruushka.
Zelensky ayaa wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ku sheegay in haddii uu wada xaajood la galo Moscow, uu u soo bandhigi doono Ruushka isku badalashada dhulka uu haysto iyo dhulka laga haysto.
Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa ku tilmaamay fikraddas mid aan macno lahayn, isagoo sheegay in aysan macquul ahayn, wuxuuna intaas raaciyay in Ruushku waligiis uusan ka hadlin kana hadli doonin is-weydaarsiga dhuleed ee ay Ukraine rabto.
Arintan ayaa imaanaysa ayadoo dhawaan loo balan Sanaa in labadan dal ay iskugu yimaadaan miiska wadahadalka, taas oo ay Ukraine ku dalbanayso in dhulka ay Ruushka ka haysato ay ku badalato dhulka xooggaga loogaga haysto.