Ciidamada Ruushka ayaa Isniintii maanta ku dhawaaqay inay soo rideen 21 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo laga soo diray dalka Yukrayn.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku sheegtay – bayaan ay soo saartay – “Waxaan xalay fashilinay isku dayo uu maamulka Kiyeef ku doonayay in uu fuliyo weeraro argagixisanimo oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo la rabay in lagu beegsado goobo ku yaalla gudaha dhulka Ruushka”.
Waxay intaa ku dartay in Nidaamka difaaca hawada ay burburiyeen 21 diyaaradood oo Yukrayn laga leeyahay iyada oo aan shaacinin wax khasaare ah ama dhibaata ah oo kadhashay.
Waxay tilmaantay in 12 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, lagu soo riday Jasiirad u ekaha qiram, halka 6 kalana lagu soo riday gobolka Kuraska.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in diyaaradaha kalana lagu soo qabtay gobollada xuduudka la leh Yukrayne.