Ilo-wareedyo maxalli ah oo Ukraine ka tirsan ayaa sheegay, in Laba qof lagu dilay Kyiv Laba kalena lagu dhaawacay duqaymaha Ruushku uu ka gaysaty magaalada, Kyiv, halka Ruushku uu shaaciyey inay qabteen daraasiin diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo lagasoo riday dhanka Ukraine.
Ku-simaha madaxa maamulka militariga ee magaalada Kyiv, ninka lagu magacaabo Mykola Kalashnyk ayaa sheegay, in labada qof ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay la beegsadeen magaalada Kyiv, wuxuuna caddeeyay in ugu yaraan laba qof ay ku dhaawacmeen dab qabsaday dhisme ku yaalay halka duqayntu ay ka dhacday.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulkiisu uu wali ku howlan yahay xaqiijinta liiska dadkii ku waxyeeloobay weerarka iyo sidii loo heli lahaa daryeel caafimaad oo kaafiya dadkaas.
Taas bedelkeeda, Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawadu ay qabteen oo ay burburiyeen 121 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay habeennimadii xalay hawada u dirtay Ukraine.
Wasaaraddu waxay bayaan lagu daabacay Telegramka ku sheegtay, in ay kusoo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine 13 gobol oo katirsan dalka Ruushka, iyadoo xustay in 7 ka mid ah diiyaradahaas lagusoo riday meel u dhow magaalada Moscow.
Moscow iyo Kyiv ayaa Labaduba doonaya inay hagaajiyaan mowqifkooda ka hor wada xaajoodyada suurtagalka ah ee uu madaxwaynaha Maraykanka Donal Trump uu ballan qaaday xilligii uu ku jiray ololaha doorashada, kaas oo shiigay inuu si degdeg ah usoo afjari doono dagaalka Ukraine iyo Ruushka, taas oo kor u qaadeysa tuhunka ah inuu Maraykanku jarayo kaalmada uu siiyo Kiev.
Kaddib markii Trump loo dhaariyay madaxtinimada Mareykanka isniintii la soo dhaafay, wuxuu kordhiyay cadaadiska uu ku hayo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, isagoo ugu baaqay inuu gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, wuxuuna ku hanjabay inuu ku soo rogi doono cunaqabatayn dhaqaale oo adag haddii Moscow ay aqbali weydo joojinta dagaalka socda ku dhawaad 3 sano.
Khamiistii, Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo joojinta dagaalka, wuxuuna muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu si degdeg ah ula kulmo Putin, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Kyiv ay diyaar u tahay inay wadahadlaan.