Ruushka ayaa duqayn culus ka fuliyay magalada Kharkiv oo dhacda bariga dalka Ukrain, taas oo 30km u jirta xadka Ruushku uu la wadaago dalka Ukrain.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa maanta sheegay in duqeymo uu Ruushku ka geystay dhismo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv, duqayntan waxaa ku dhintay 1 qof, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 29 qof oo Ukraniyan ah. Weerarkan ayaa dhacay xalay fiidkii, ayadoo ay jiraan dad wali burburka guryaha ku hoos xaniban.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in Kherkiv ay la kulantay weerar loo adeegsaday Bam lahagayay, kaas oo ah hub halisa oo uu Ruushku u adeegsaday dagaalka Ukrain.
Ukraine waxay ku guulaysatay in ay sii haysato gacan ku haynta Kharkiv, intii lagu guda jiray isku daygii uu Ruushku ku doonayey in uu ku qabsado caasimadda Kiev. Magaaladan ayaa noqotay bartilmaameed joogto ah oo ay ciidamada Ruushku beegsadaan.