Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa ku waramaya, in Ruushku uu xalay weerarro loo adeegsaday diyaraha aan duuliayah lahayn uu ku qaaday magaalada Kyiv ee caasimadda dalkaas, halkaasoo ay ku dhaawacmeen illaa 11 qof. sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.
Xogaha ayaa intaasi ku daraya, in duqeymahaasi ay burbur xooggan u geysteen dhismayaal iyo hanti gaar loo leeyahay oo ay kamid tahay baabuur halkaasi taallay, kadib markii dab ka dhashay duqeymahaasi u qabsaday.
Seeriga digniinta bixiya ayaana habaynkii xalay laga maqlay bariga iyo bartamaha dalka Ukraine, kadib markii uu Ruushka weerarro kusoo qaaday gooba badan oo ka tirsan dalkaas, iyadoo aysan jirin wax macluumaad ah oo ku saabsan weerarradas, halka Moskana aysan ka hadlin.
Ruushka ayaa xoojiyay weerarrada ka dhanka ah dowladda Ukraine, iyadoo bilaabashada xabad joojintii uu dhawaan ku dhawaaqay ay ka harsan tahay 2 maalmooda oo qura, isagoona ku hanjabay inuu taalaabo culus qaadi doona haddii ay Kyiv jabiso xabad joojintaas soo socota.