Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta Labo magaalo oo ku yaalla bariga Ukraine, waxayna weerar ku qaadeen magaalada caasimadda ah ee Kiev, halka Ukraine ay taa beddelkeeda sheegtay inay burburisay 39 kamid ah 71 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee lagu soo weeraray dalkeeda.
Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegay, in ciidamada Ruushka ay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Kurakhivka iyo Perchotravnevy ee bariga Ukraine.
Geesta kale, saraakiil ku sugan Kiev ayaa sheegay, in Ruushku uu xalay saqdii dhexe weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu kusoo qaaday caasimadda Ukraine ee Kiev, kaasoo socday illaa subaxnimadii Sabtida.
Sarhiy Popko oo ah sarkaal ka tirsan milatariga dalkaas ayaa sheegay, in burburka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu kusoo dhacay 6 goobood oo ka tirsan Kiev, kadib markii diyaaradaha lasoo riday, waxaana ku dhaawacay hal askari oo booliis ah, halka ay burbureen dhawr dhismo oo la deggan yahay oo ku yaallay caasimadda, iyadoo uu sidoo kale dab ka kacay goobihii ay diyaaradaha kusoo dhaceen.