Subaxnimadii hore ee saaka ciidamda Ruushka ayaa gantaallo Balaastika ah waxa ay ku garaaceen magaalada Kharkiv ee dhacda Waqooyi-Bari ee dalka Ukraine, sida uu sheegay duqa magaaladaas.
Duqa magaalada Kharkiv ninka lagu magacaabo Igor Terekhov ayaa sheegay, in ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen weerar ba’an oo uu Ruushku kusoo qaaday magaalada.
Dad goob-joogayaal ah ayaa soo sheegay, in ay maqleen qaraxyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Kharkiv, kaddib markii lagu qaaday weerar xooggan oo loo adeegsaday gantaalaha nooca loo yaqaano cruise-ka iyo kuwa Balaastikada ah.
Dhankiisa, Wasiirka Tamarta ee Ukraine, ayaa sheegay, in Ruushka uu saaka bilaabay weerar culus oo uu ku bartilmaameedsanayo qaybta tamarta ee Ukraine, mas’uuliyiintuna ay qaadayaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo yareeyo cawaaqib xumada ka dhalan karta weeraradaas.
Geesta kala, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqday, in ciidamadeedu ay xalay soo rideen 59 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay leedahay Ukraine. Halka hay’adda Gaadiidka Cirka ee Ruushka ay ku dhawaaqday, in si ku meel gaar ah loo hakiyay dadka ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya Garoonka Kazan.
Ruushka ayaa bilihii la soo dhaafay dardar galiyay duulaanka uu ku qaaday Bariga Ukraine, isagoo rajaynaya inuu dhul badan la wareego ka hor inta uusan xilka la wareegin Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.