Ruushka oo Ka Digay Kaalmada Milatari ee ay Dawladdaha Reer Galbeedku Siinayaan Yukrayn.

9
0

Dawladda Ruushka ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, kaas oo shaaciyay, in xulafada Reer Galbeedku aysan hadda wax xad ah ku soo rogi doonin hubka ay siiyaan Yukrayn, oo ay ku jiraan gantaallo riddo dheer. Afhayeenka Kirimiliinka oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay, haddii arrintan ay dhab noqoto, ay halis weyn galin doonto xaalada dagaal ee ka jirta gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka ayaa shir ka dhacay dalkaas ku caddeeyay in Ingiriiska, Faransiiska, Maraykanka iyo Jarmalkuba aysan hadda wax xayiraad ah ku soo rogi doonin gantaallada masaafooyinka dhaadheer ee la siiyo Yukrayn, isaga oo carrabka ku adkeeyay in wakhtigan ay Yukrayn awood u leedahay inay iska difaacdo weerarada Ruushka, taas oo la macno ah inay hadda fursad u leedahay inay weerarro ka fuliso gudaha Ruushka.

Moskow ayaa horey uga digtay Jarmalka, in bixinta gantaalladan ay ka dhigeyso Baarliin inay si toos ah uga mid noqoto dagaalka, taas oo hada uu mar kale Ruushku ka digayo, iyada oo laga cabsi qabo in dagaalkan uu ku fido qaarada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here