Aqalka Kirimlin-ka ee looga arimayo Ruushka ayaa shalay ku dhawaaqay, in madaxweynaha dalkaas Faladamiir Buuutin uu amray xabbad-joojin cusub oo saddex maalmood ah oo laga hakinayo dagaalka Yukrayn, taas oo soconayso laga bilaabo 8-da illaa 10-ka bisha Meey ee soo socoto.
Waxa uuna tibaaxay, in Mosko ay maalmahaasi u dabaal dagayso waxa ay ku tilmaameen maalinta guusha ee ay ka gaareen waxa loogu yeero dagaalkii labaad ee Adduunka.
Bayaanka kasoo baxay Kirimlin-ka oo sii socda ayaa lagu yiri : “Ruushka waxa uu aaminsan yahay in dhinaca Yukrayn ay ku dayan doonaan, balse haddii ay ku xad-gudbaan xabbad joojintaan, ciidamada Ruushka ayaa si habboon oo waxtar leh uga jawaabi doona”.
Dhawaan ayay ahayd, markii uu Buuutin ku dhawaaqay xabbad-joojin 30 saacadood ah oo ku aaddan dagaalka Yukrayn, Iyadoo Kiyeef ay ku eedaysay Ruushka inuu jabiyay xabad joojintaas, uuna boqolaal weerar ka geystay gooba kala duwan oo ka tirsan dalkeeda, halka Mosko ay iyadana eedaymo kuwaasi ka yara hooseeyo ay u jeedisay Kiyeef.