Ciidamada Ruushka ayey u suurtagashay in ay la wareegaan magaalo cusub, oo ka tirsan gobolka Kharkiv, iyagoo si guul ah u kala furfuray ciidamadii Ukraine ee ku sugnaa gobalka Kursk.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa Si faahfaahsan usheegtay shalay galab, in ciidamada Ruushka ay ku guuleysteen gacan ku haynta magaalada Kubanki ee gobolka Kharkiv.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ayaa lagu yiri: “Cutubyo ka tirsan ciidamada galbeedka Ruushka, ayey u suurtagashay in ay xoreeyaan magaalada Kubanki ee gobolka Kharkiv,” sida lagu sheegay mareegta Sputnik ee Ruushka.
Dhinaca Kursk, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa Talaadadii ku dhawaaqday, in ciidamada Ruushka ay u suurtagashay in ay burburiyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan Kursk, waxayna sheegtay Wasaaradda in ciidamada Ruushka ay sii wadaan horumarada ay ka samaynayaan gobalka Kursk ee Ruushka, waxayna intaas ku dartay, in ciidamada Ukraine ay la kulmeen khasaare xooggan.