Ruushka oo NATO ku Eedeeyay inay Dalkiisa ay kusoo qaadeen Weeraro dhanka Internetka ah.

17
0

Yuri Ushakov oo ah kaaliyaha madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay, in xogta ay helayaaan ay tilmaamayso in dalalka NATO ay doonayaan inay xoojiyaan weerarrada ka dhanka ah dhuumaha biyaha, maraakiibta shidaalka iyo qalabyada kale ee electroniga ku shaqeeya.”

Ushakov ayaa intaa ku daray in NATO ay si elektaroonig ah u weerarto qalabka hawada ee Ruushka, taasoo keentay shilal, waxaana suuragal ah inay kororto khataraha ku wajahan dekedaha iyo badda Baltic-ga ee dalalka xubnaha ka ah NATO ee Yurub.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Ruushku aanu ogolaan doonin in lagu xad-gudbo danahooda qaran ee gobolka Baltic, isagoo xusay in garabka Yurub ee NATO ay sii wadaan inay nagu go’doomiyaan gobolkan, iyagoo iska indha tiraya wada-hadallada u dhexeeya Moscow iyo Washington.

Kaaliyaha madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in hanjabaadaha militari ay sii kordhayaan wixii ka dambeeya shir madaxeedka Midowga Yurub, kaasoo lagu go’aamiyay in Yurub laga dhigo mid aad u ballaaran.

Waxa uu intaa ku daray in London ay xiisaynayso inay carqaladayso wada xaajoodka Yukrayn, iyo sidoo kale caadiyeynta xiriirka Ruushka iyo Mareykanka, iyo in Finland ay mar kale noqoto, sidii 1939-kii, taas oo bilawday duullaan gardarro ah oo ka dhan ah Ruushka.

Laga soo bilaabo Febraayo 24, 2022, Ruushku wuxuu bilaabay weerar millatari oo uu ku qaadayo dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, isagoo dalbanaya in Kyiv ay ka tanaasusho xubinnimada ciidamada reer galbeedka, taasoo shardi u ah soo afjarida weerarka Kyiv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here