Ruushka oo Shaqada ka Eryay Sarkaal Mas’uul ka ahaa Ciidamadooda ku Sugan Suriya.

14
0

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo-wareedyo Ruush ah ayaa sheegtay, in Moscow ay shaqada ka cayrisay sarkaalkii u qaabilsanaa ciidamadeeda ka hawlgala dalka Suriya, kaddib markii ay xoggaga mucaaradku qabsadeen magaalada Xalab.

Barayaasha militariga Ruushka ayaa sheegay shalay Axadii, in Moscow ay shaqada ka ceyrisay sarkaalka lagu magacaabo Sergei Kisel, oo ahaa mas’uulka guud ee ciidamada Ruushka u fadhiya Suriya, kaddib markii dagaalyahanada mucaaradka Suriya ay la wareegeen magaalada Xalab ee waqooyiga dalkaas.

Militariga Ruushka ayaa si adag u dhaleeceeyay waxqabad la aanta Kissel, kaas oo horey mas’uul ugasoo noqday  Ciidanka Ruushka qaybtiisa Ilaalada Koowaad ee ka dagaalanta gobolka Kharkiv ee dalka Ukraine.

Tani waa horumarkii ugu waynaa oo ay sameeyeen xooggaga mucaaradka Suuriya tan iyo bishii Maarso 2020-ka, markaas oo Ruushka iyo Turkigu ay ku heshiiyeen xabbad joojin taas oo keentay in la joojiyo dhaq dhaqaaqyada militari ee waqooyi-galbeed ee Suriya.

Xukuumadda Bashaar Al-Asad ayaa qabsatay magaalada Xalab 2016-kii, markaas oo ciidamada Suriya ee uu Ruushku taageero ay go’doomiyeen magaaladan, ayagoo ka gaystay duqaymo kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Suriya, waxaa duqaymahan ku nafwaayay 600 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here