Xoghayaha Golaha Ammaanka ee Ruushka ninka lagu magacaabo Seerghoo Shuwaygho ayaa ku eedeeyay gaashaan buurta NATO iyo Midowga Yurub inay isu diyaarinayaan dagaal militeri oo toos ah oo ay la galaan Mosko.
Mas’uulkaan Raashiyaankanka ah ayaa shaaca ka qaaday, in dowladaha reer Yurub oo ay horboodayaan Ingiriiska iyo Faransiiska ay ku qaylinayaan, in ay lama huraan tahay in Ruushka la gaarsiiyo guuldarro istiraatiiji ah.
Waxa uu intaa ku daray, in NATO iyo Midowga Yurub ay bilaabeen barnaamijyo ay uga dan leeyihiin inay reer Galbeedka ugu diyaariyaan iska-hor-imaad millatari oo toos ah oo ay la galaan Ruushka, isaga oo tillaabooyinkan ku sifeeyay kuwo gardarro ah.
Hadalkaan ayaa imaanaya, iyadoo Madaxweynaha Ruushka Faladamiir Buutin uu Isniintii ku eedeeyay reer galbeedka inay wadaan daandaansi ka dhan ah dalkiisa, taas oo uu sheegay, inay ku kalifi karto inuu hubka sida daran wax u gumaada ee Nukliyeerka uu u adeegsado dagaalka uu kula jiro Yukrayn.