Ruushka oo Sheegtay Qabsashada Magaalooyin Cusub oo Dhaca Bariga Dalka Yukrayn.

7
0

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday, inay si buuxda ula wareegtay laba magaallo oo ku yaalla bariga dalka Yukrayn, xilli ay labada dhinac is dhaafsadeen weerarro culus oo ay isku adeegsadeen in ka badan 250 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay, in 120 diyaaridood oo ay Yukrayn ku weerartay dalkaas lagu soo riday gobollo kala duwan oo dhaca xuduuda ay labada dal wadaagaan, halka xukumada Kiyeef ay xaqiijisay in ay hawada ka saartay 117 diyaaradood oo ay Moskow ku weerartay dalkeeda.

Hawgaladan ayaa sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka dambaysa, Ruushka ayaana u muuqda inuu la wareegayo deegaano hor leh oo ay ku xooganaayeen ciidamada Yukrayn, kuwaas oo qarka u saran inay isku dhiibaan ciidamada Ruushka, kaddib markii ay dawladaha reer galbeedku garabkooda ka baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here