Ruushka oo Soo Riday 120 Diyaardood oo ay Yukrayn Ku Weerartay Dalkiisa.

2
0

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday, in ciidamada difaaca cirka ee dalkaas ay habeenimadii xalay soo rideen 120 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo ay Yukrayn ku weerartay dhulka Ruushka, gaar ahaan gobollada dhaca xuduudka ay labada dal wadaagaan, sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ah ee kasoo baxay xukuumada Moskow.

Dowladda Ruushka ayaan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan, in kasta oo ay tilmaamatay, in howlgalku uu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu cuslaa ee ay Kiyeef ku weerarto gudaha dalka Ruushka tan iyo sanadkan.

Dhanka kale, hay’adda duulista rayidka ee Ruushka ayaa sheegtay inay xalay ku soo rogtay xayiraado amni garoomo dhowr ah oo dalka ku yaalla, si loo xaqiijiyo badbaadada diyaaradaha rakaabka. Xayiraadahaasi ayaa saameyn ku yeeshay duulimaadyadii caadiga ahaa, inkastoo oo saaka dib loo bilaabay shaqooyinkii garoomada.

Weerarkan cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay ka soo wareegtay in ka badan saddex sano oo uu socdo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn, kaas oo galay wajigiisii ugu culus, iyadoo Yukrayn ay si isa soo taraysa u adeegsanayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee daroonis-ka, si ay u beegsato bartilmaameedyada ku yaalla gudaha Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here