Ruushka oo Ukraine ku Eedeeyay Inay Dileen 22 Qof oo Rayid ah.

21
0

Guddiga baaritaanka ee Ruushka ayaa ku eedeeyay ciidamada Ukraine inay dileen 22 qof oo ay ku jiraan 8 haween, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Kursk ee dalka Ruushka. Guddiga ayaa sheegay in dambiyadan ay dhaceen intii u dhaxeysay Sebtembar iyo November 2023-kii, waxaana dadka la laayay meydadkooda laga helay dabaqyada hoose ee guryaha.

Guddiga ayaa sheegay, in 5-askari oo ka tirsan ciidamada Ukraine ay ku lug lahaayeen dilkan, iyagoo ku dhawaaqay in la xiray mid ka mid ah askartaasi oo lagu magacaabo Yevgeny Fabricenko, intii uu socday dagaaladii ka dhacay deegaanka.

Dhankiisa, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa beesha caalamka ku eedeeyay inay iska indho tirayaan xasuuqa ka dhanka ah dadka Raashiyaanka ah. “Arrintan waa in laga hadlaa oo la muujiyaa inkastoo beesha caalamka aysan dan ka lahayn xadgudubyadan oo kale,” ayuu yiri Afhayeenka aqalka Kremlinka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay isweydaarsanayaan eedaymo kulul Moscow iyo Kiev oo ku aaddan dilka dadka rayidka ah tan iyo markii uu dagaalka qarxay. Ruushka ayaa horay u beeniyay inuu ku lug lahaa xasuuqii Bucha 2022-kii, kaasoo Kyiv ay ku tilmaamay dambi dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here