Ciidamada Ruushku, waxay weerar culus ku qaadeen magaalada Kiyef, kaas oo sababay burburka dhismayaal hoy u ahaa dad Ukreniyaan ah, illo goob joogayaal ah, waxay sheegeen in ay maqleen qaraxyo xooggan oo ruxay caasimadda Ukraine.
Maamulka militariga ee Ukraine ayaa manta sheegay, in cutubyo ka tirsan difaaca cirka ay isku dayayaan in ay iska caabiyaan, weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Ruushku kusoo qaaday caasimada Kiyef.
Weerarkan ayaa sababay dab xooggan oo ka kacay Beerta Muromets ee degmada Desnyansky, taas oo ku taala waqooyi-bari ee magaalada Kiyef, dabkan ayaa ka dhashay burburka haraadigii diyaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Ruushku ku weeraray Kiyef, balse wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkaas lama sheegin.
Tan iyo bishii Agoosto, Ruushku wuxuu xoojiyay weerarada uu ku hayo Ukraine, taas oo saraakiisha Kiev ay sheegeen, in ay tahay isku day ay Moscow ku burburinayso kaabayaasha muhiimka ah ee loo baahan yahay inta lagu jiro xilliga jiilaalka, sida korantada, kaydadka raashinka iyo wixii lamida.