Fiidnimadii Sabtida, Ukraine waxaa lagu soo qaaday weeraro xooggan oo lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha tamarta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.
Maqribnimadii shalay oo Axad ahayd, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ukraine, ninka lagu magacaabo Igor Klimenko ayaa ku dhawaaqay, in 8 qof oo ay ku jiraan Labo carruur ah ay ku dhinteen weerar kaas, ugu yaraan 10 kalena ay ku dhaawacmeen, khasaarahaas ayaa ka dhashay bam oo lagu beegsaday xaafad ku taalla magaalada Sumy, taas oo dhacda waqooyi bari dalka Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka jawaabay weerarkaas, isagoo yiri, “Dambiilayaasha gaystay weerarkan waa in lagu ciqaabaa dilka dadka aan waxba galabsan.” Zelensky waxa uu intaa ku daray hanjabaad uu udiray maamulka Moscow, isagoo uga digay cawaaqibta ka dhalan doonta weerarada uu kusoo qaadayo dalkiisa, isagoo xusay in 120 gantaal iyo 90 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn lasoo riday habeenkii Sabtida.
Dhankiisa, afhayeenka ciidamada Cirka ee Ukraine, ninka lagu magacaabo Yuri Ignat ayaa yiri, “Waxay ahayd habeen cadaab ah,” isagoo xusay in difaaca cirku ay soo rideen 144 ka mid ah gantaalladaas iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ee uu Ruushku weerarka u adeegsanayay.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Andriy Sepiga ayaa Axaddii xaqiijiyay in dalkiisa uu marti galiyay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee xagga cirka ah oo uu Ruushku ka fuliyay gudaha Ukraine.