Qaraxyo xooggan ayaa subaxnimadii Jimcaha gilgilay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kaddib digniin dhanka cirka ah oo ay milaterigu ka bixiyeen gantaallada Balaastikada ah ee laga soo riday Ruushka oo kusoo wajahnaa Ukraine.
Hal qof ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay gantaalkaas, iyadoo uu qiiq aad u xooggan cirka isku shareeray oo ka dhashay qaraxyadaas.
Maamulka militariga Ukraine ayaa xaqiijiyay, in weerarada Ruushka ay ka mid ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, kuwaas oo difaaca cirku ay la tacaaleen, isagoo ku micneeyay in burburka ka dhashay weeraradaas ay ku dhaceen goobo aysan dad badan ku sugneyn, taas oo xadideysa khasaaraha dadka.
Madaxa maamulka militariga ee Kyiv, ninka lagu magacaabo Sergei Popko, ayaa barta Telegram ku sheegay, in weerarka uu dhaliyay dhimasho hal qof, isagoo xusay in ciidamada Ruushka ay u adeegsadeen gantaalada Kinzhal iyo Iskander weerarka, oo dhacay abaaro Todobadi subaxnimo.
Dhankiisa, duqa magaalada Kiev, ayaa sheegay in Labo qof loo qaaday isbitaalka, wuxuuna tilmaamay in haraadiga gantaalada ay ku dhaceen 4 goobood oo katirsan magaalada, taas oo keentay inuu dab qabsado baabuur iyo dhismayaal, isagoo intaas ku daray, in kooxaha gurmadka ay ka shaqeynayaan goobahaas, kuwaas oo isugu jira kuwo dab-damis ah iyo kuwa gargaar deg-deg ah.
Hay’adda Gurmadka deg-degga ah ee Ukraine ayaa sidoo kale sheegtay, in dab xooggan uu ka kacay bakhaar ku yaalla deegaanka Boryspiil oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Kiev, kaddib markii ay weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.