Wakaaladda Wararka ee Ruushka oo soo xiganaysa ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegtay, in ciidammada Ruushka ay qabteen nin calooshiis u shaqaysta ah oo udhashay dalka British, kaas oo ka barbar dagaallamayay ciidammada Ukraine ee ku sugan gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, Ilahan ayaa ku sheegay qoraallo shalay la daabacay, in qofka la xiray uu isku magacaabay James Scott Rees Anderson.
Muuqaal lagu baahiyey kanaalada Telegram-ka ee Ruushka ku taageera dagaalka uu ka wada Ukraine, ayaa waxa ka soo muuqday wiil dhallinyaro ah oo xiran dirayska ciidanka, kaas oo ay gacmihiisa qaab garba duub ahaan ah uxirnaayeen, wuxuuna sheegay inuu horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Ingiriiska.
Ajaanib mutadawiciin ah ayaa dagaalka kula jira ciidamada Ukraine, waxaana tiro ka mid ah lagu dilay laguna qabtay bariga Ukraine.
Ruushka ayaa dagaal ka bilaabay Ukraine dabayaaqadii bishii February ee sanadkii 2022-kii, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay uu Ruushku la wareegay gacan ku haynta dhul badan oo ku yaalla bariga iyo koonfurta Ukraine, waxaana dagaalkaasi ku dhintay boqolaal kun oo kasoo jeeda labada dhinac.