Khabiir milateri, oo lagu magacaabo Elias Hanna oo shaqada ka fariistay, ayaa sheegay, in Yahuudda ay raadinayso inay dawr weyn ka ciyaarto saaxada Suuriya, kaddib markii nidaamkii Bishaar Al-Asad laga tuuray xukunka.
Warbaahinta Yahuudda ayaa Axaddii sheegtay, in Yahuudda ay duqaysay xarunta cilmi-baarista Sayniska ee ku taalla fagaaraha ammaanka ah ee magaalada Dimishiq, halkaas oo laga maamulo hubka kiimikada iyo barnaamijyada gantaallada ballistic-ga ah, waxa ayna duqaymo cirka ah ku qaadday xaafadda Mezzeh ee caasimadda Suuriya. Sidoo kale , waxay duqeysay 100 bartilmaameed oo ku yaalla Suuriya Axaddii, kuwaas oo u badnaa bakhaarro hubka lagu kaydiyo.
Sida laga soo xigtay khabiirkaas, Yahuudu waxay isku dayaysaa inay dhex gasho sufuufta kacdoon wada-yaasha ee dalka Suuriya, si ay u duqayso hub kasta oo istaraatiiji ah oo ku dhici kara gacanta mucaaradka hubaysan ee Suuriya, kaas oo ay Yahuudda u aragto mid dhibaato ku keeni kara mustaqbalkeeda danba.
Duqeynta Yahuudda kuma koobna oo kaliya fagaaraha ammaanka ah ee Dimishiq, balse ciidamadeeda ayaa sidoo kale duqeeyay saldhigga ciidamada cirka ee Khalkhala ee Koonfurta Suuriya.
Raadiyaha Ciidanka Sahaayinada ayaa Axaddii sheegay, in Golaha Wasiirradu ay go’aansadeen in ay qabsadaan gobolka dhaca xadka Suuriya ee buurta Hermon oo ku dheggan buuraha Golan Heights, kaddib bixitaanka askarta nidaamka Suuriya, waxa ayna doonayaan in ay halkaas ka abuuraan aag difaac ah, iyaga oo ku nuuxnuuxsaday, in ciidanka Yahuudda ay noqon doonaan awoodda kaliya ee ka jirta mandiqadaas.
Sida laga soo xigtay khabiirka milatariga, tallaabooyinka ay ciidamada Yahuudda kusoo galeen Golan Heights, waxaa ay ku tilmaameen mid ku meel gaar ah, balse waxaa muuqata inuu isku badalay mid joogto ah, taas oo farta ku fiiqaysa, in Donald Trump uu aqoonsaday sharcinimada qabsashada Sahaayinada ee buuraha Golan Heights.
Horaantii Axadii, Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa sheegay, in uu amar ku siiyay ciidamadiisa, inay qabsadaan aagga difaaca ee Suuriya iyo xarumaha taliska ee ku dhow, isagoo raaciyay, “Ma oggolaan doono in ciidan cadaw ah uu ku xididaysto xudduudahayaga.” waa sida uu hadalka u dhigaye.
Intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay goob u dhow xudduudda Suuriya, Netanyahu wuxuu ku dhawaaqay, inuu burburay Heshiiska ka bixitaanka Suuriya ee 1974kii, isagoo ku nuuxnuuxsaday, in Yahuudda ay si dhow ula socon doonto isbadalada Suuriya oo ay samayn doonto waxa lagama maarmaanka u ah in la ilaaliyo xuduudda, lana sugo amniga Yahuudda ee lagu deegaameeyay dhulalka Muslimiinta.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Cibriga ah, Yahuudda waxay isku diyaarinaysaa inay weerarro xiriir ah ay dhowr maalmood ka fuliso dalka Suuriya, si ay uga hortagto in hub istiraatiji ah uu gaaro kooxaha mucaaradka ee la wareegay talada dalka.
Ciidamada Yahuudda ayaa soo saaray digniin ku socota dadka degan 5 magaalo oo ku yaalla xadka Suuriya, taas oo ah in aysan guurin kana bixin guryahooda illaa amar dambe. Waxa ayna Sahaayinada kusoo daabushay goobahaas ciidamo gurmad ah oo isugu jira ciidamada lugta iyo kuwa wato gawaarida gaashaaman.
Buuraha Golan waxay ku yaalaan Koonfur-Galbeed ee dalka Suuriya, Yahuudda ayaa xoog ku qabsatay dagaalkii 1967dii dhexdiisa, kaddibna waxay si rasmi ah ula wareegtay sanadkii 1981kii.
Sahaayinada waxay hadda gumaysi ku haysataa qiyaastii 1,176 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo katirsan dhulka Golan. Golan waa mid ka mid ah 13-ka gobal ee uu ka kooban-yahay dalka Suuriya, xarunta golkana waa magaalada Quneitra.