Tan iyo muddo xileedkiisii hore, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boobay dhammaan hanti guud iyo mid gaarba wixii ay umaddu lahayd, wuxuuna ku andacoonaayay marka uu dadka masaakiinta ah ka dhacayo guryaha, inay dagan yihiin dhul ay dawladdu leedahay, balse waxaa arintaas beeninayay markii uu Xasan Sheekh Maxamuud xaraashay badd iyo barriba wixii ay lahayd umadda Soomaaliyeed.
Waxaana laga xusi karaa dhulka hantida guud ee uu xaraashay Xasan Sheekh Maxamuud: Xaruntii Dab-Damiska, bakhaarihii kayd ee wasaaradda beeraha, xaruntii dhul-bixinta dawladda/hoose, guryaha shaqaalaha bangiyada, xeradii gaadiidka dawladda/hoose, xaruntii dayactirka bangiga, qubuurahii iskool Boliisiya, xeradii Guul/wadayaasha, xaruntii hawlaha guud, dhuka ciidanka asluubta, xerada Bangala, dhulkii ood wayne iyo dhulkii Hotel Jubba.
Marka aan eegno dhanka badda, waxaan lawada soconaa in Xasan Sheekh Maxamuud uu 11 bishaan uu Itoobiya ugu saxiixay magaalada Ankara ee dalka Turkiga hashiis is af-garad ah oo xabashida u ogalaanayo in Soomaaliya ay ka hesho Marin Biyood “waara”, taas oo micnaheedu tahay in uu Itoobiya u saxiixay badd ay milkiyadeedu ay iyadu leedahay, balse aan ahayn sida warbaahinta laga sheegay oo ah in ay Itoobiyo u adeegsan doonta hawlo ganacsi, waxaana la sheegay in hashiiskaas la dhaqan galin doona bisha February ee sanadka soo socda ee 2025-ka.
Intaas oo hadimooyin isagoo geystay ayuu hadana Xasan Sheekh Maxamuud, dafiri jiray dhammaan falaalkaas gurracan ee uu ku dhaqaaqay, wuxuuna sheegi jiray inuu akoonkiisa maranyahay uusan Muqdishana ku lahayn wax dabaqyo ah, isagoo ku been hawaasi jiray inuu dagan yahay Hoteel kiro ah.
Balse waxaa hadal hayn wayn ka dhaliyay Baraha ay bulshadu ku wada xiriirta hadal dhawaan kasoo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha dawladda Fadaraalka, kaas oo ahaa “ Hooyada Soomaaliyeed wax ka quseeya malahan inaan dhisto guri Saddex dabaq ah ama Afar dabaq”. isagoo intaas ku daray, in hooyada ay ubaahantahay in cunugeeda waxbarasho loo geeyo balse aysan u baahneen in guri loo dhiso, waa siduu hadalka udhagaye.
Hadaba waxaa iswaydiin leh maxaa sababay inuu Xassan Sheekh Maxamuud waqti xaadirkaan fagaaraha lasoo is taago isagoo ku jees-jeesaya bulshadii uu ugaysatay boobka, bililaqada iyo dhaca, dhanka kalana uu ku maaweelin jiray inuu uwada horumar iyo baraaro, Waxaa arintaas loo sababayn karaa dhawr sababood oo ay kamid yihiin kuwa soo socda.
1: In uu dhul-boobkii banaanka yimid oo uu noqoday mid aan sacabaha lagu qarin Karin, taas oo inay shacabka kasoo gudubtay, heer gaartay in uu guryaha ka dhaco askarta iyo sarakiisha ka tirsan maamulkiisa. Waxaana dhawr jeer warbaahinta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Fadaraalka oo sheegaya, in laga boobay hoygii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
2: Sababka Labaad ee keenay inuu Xasan Sheekh Maxamuud uu sidaan ugu jees-jeeso hooyinka Soomaaliyeed waa isaga oo aanan wax raja ah kala hayn inuu dib ugu soo laabta xilka madaxtinime ee dawladda Fadaraalka, maadama aysan jirin wax sumcad ah oo uu laharay muddadii uu jagada hayay.
Mar uu Xasan Sheekh maxamuud ka codsaday inay golaha Baarlamaanka ansixiyaan habraacii loo mari lahaa inay dalka ka qabsoonto waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa isla markiiba arinkaas ka jawaabay madaxwaynihii hore ee dawladda Fadaraalka Shariif Sheekh Axmed isagoo sheegay, in doorasha warkeeda iskaba daaye ay quus ka taagan yihiin in Xasan Sheekh Maxamuud kadaashiisa dawlad loogu imaanaya iyo inkala, taas oo muujinaysa heerka uu la egyahay dhul-boobka uu ku kacayo Xasan Sheekh Maxamuud.
3: Arinka Saddaxaad oo aan usabayn karno waa fashilka kaga yimid dagaalkii uu ku qaaday deegaanada ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, madaxwaynaha dawladda Fadaraalka ayaa usheegi jiray shacabka Soomaaliyeed inay Al-Shabaab cadawyihiin loona baahan yahay in la iska dhacsho, wuxuuna mar kasta oo weerar lagu qaado saldhigyada iyo fariisimaha ciidamada dawladda Fadaraalka uu ku andacoon jiray in la beegsaday dad rayid ah, isagoo kaga gol lahaa arinkaas inuu iskaga horkeeno shacabka Soomaaliyeed iyo Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab.
Balse shacabka Soomaaliyeed ayaa iska diiday hagardaamada uu la doonayay Xasan Sheekh Maxamuud oo ah camiil urabaayadaysan dawladaha shisheeye ee duulaanka ku jooga dalka, waxaana tusaala kuugu filan wixii ka dhacay gollada dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo ay Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo garab ka helaysa beelaha Soomaaliyeed ee daga goladaas ay dhagta dhiigga u dareen Kumannaan askari oo katirsanaa ciidamada dawladda Fadaraalka.
Ugu danbayntii, Markii uu Xasan Sheekh Maxamuud uu ka raja beelay taageeridii shacabka, ayuu usoo jeestay inuu jeebka ku shubto hanti guud iyo mid gaarba wixii uu heli kara, dhanka kalana waxa uu cod dheer ugu sheegay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan hooyooyinka inaysan soo fara galinin boobka iyo bililaqada iyaga ka dhanka ah, maadaama ay umadda Soomaaliyeed gaashaanka udaruureen inay ka barbar dagaalamaan shisheeyaha duulaanka ku ah diinta,dadka iyo dalkaba.