Sababahan Awgood ayey Yahuuddu ugu Guuldareysatay inay Tirtirto Awoodda Xamaas. (Warbixin)

12
0

Wargeys ka soo baxay gudaha Yahuudda ayaa ka yaabiyay taageerayaasha dagaalka Sahaayinada, waxa uuna ku dhawaaqay, isagoo adeegsanaya mas’uuliyiin reer Galbeedka ah, in Tel Aviv ay ku guuldareysatay inay gaarto mid ka mid ah hadafyada ugu muhiimsan ee dagaalka ay ku qaaday Marinka Gaza, kaasoo ahaa in meesha laga saaro awoodda Xamaas.

Warbixintan oo uu daabacay wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa dhulka ay Yahuuddu gumaysato ayaa lagu sheegay, in Xamaas ay dib u soo ceshatay awoodeeda maamul, taas oo ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen mid la yaab leh, isla markaana ay ku guulaysteen in ay meesha ka saaraan kooxo dambiilayaal ah oo xaday kolonyadii baabuurta ee siday gargaar bini’aadantinimo ee loo waday Marinka go’doonsan ee Gaza.

Falanqeeyayaasha siyaasadda iyo militariga ee lagu marti qaaday warbixinta wargeyska Yahuudda ayaa sheegay, inay jiraan arimo badan oo sababay in Yahuudda ay ku guul-darreysato inay gaarto hadafyadii ay dejisay, kuwaas oo ugu caansanaa inay  wiiqdo awoodda Xamaas.

Qoraaga iyo falanqeeyaha siyaasadda Axmed Al-Hila ayaa sheegay, in gumeysigu uusan fahmin in Xamaas aysan ahayn dhaqdhaqaaq wax iska caabin ah oo keliya, balse ay tahay qayb ka mid ah bulshada reer Falastiin, ayna leedahay qaab dhismeed madani ah iyo mid urureed, waana kan ay ku weheliyaan kooxaha kale ee wax iska caabbinta, si ay uga aargudaan ​​Falastiiniyiinta oo lagu hayo dagaal wuxuushnimo oo loo meeldayaynin.

Al-Hila ayaa intaa ku daray, dadka reer Gaza waxa ay garab-taagan yihiin Xamaas iyo si guud wax iska caabinta, sababtoo ah markii ay Yahuuddu dagaalka kusoo qaaday Gaza, kuma ekaanin oo kaliya inay beegsato Xamaas, balse waxa ay xasuuq kula kacday carruurta, haweenka iyo dadka waayeellada ah, iyaga oo isku dayayay in ay meesha ka saaraan jiritaanka shacabka Falastiin.

Dr. Muhannad Mustafa, oo ah nin ka faallooda arrimaha Yahuudda ayaa sheegay, in Sahaayinada ay isku dayday dhammaan hababka ay ku baabi’in karto awoodda Xamaas, balse ay ku guul-darraysatay, isagoo tilmaamay, in waxa daaliyay oo walwalka ku hayo gumaystaha ay tahay, in Xamaas ay weli awood u leedahay inay la wareegto oo ayna dib u dhisato goobaha ay faarujiyaan ciidamada gumaysatah.

Wargeyska Yahuudda oo soo xiganaya dublamaasiyiin reer Galbeed ah ayaa sheegay, in awoodda Xamaas ay u leedahay in ay amar ku soo rogaan deegaannada kala duwan ee Marinka Gaza ay tahay, arrin ay adag tahay in la fahmo, waxayna tilmaameen, in arrintan ay ugu horrayn ka hirgashay goobaha bartamaha Marinka ah, sida  Al-Mawaasi, Al-Nuseirat, iyo Deir Al-Balah.

Mustafa waxa uu intaa ku daray, in Yahuudda ay isku dayday sidii loo heli lahaa xal kale oo lagu maamuli karo Gaza, laakiin taasina ay ku fashilantay, maadaama dadka Gaza ay garabtaagan yihiin Xamaas, sidoo kale ma dhicin, in qaar ka mid ah qabiilada iyo dadka deegaanka ay aqbalaan dalabka Yahuudda.

Waxa kale oo uu tilmaamay, in Sahaayinada aanay doonayn, in “Guddiga Taakulaynta Bulshada” ay maamulaan Marinka Gaza, kaas oo ay Masar maalgeliso, sidoo kalena aysan doonayn in maamulka Falastiin uu dib ugu laabto gacan ku haynta Gaza, inkasta oo maamulkaas la shaqaynayo gumaystaha.

Khabiirka militariga iyo istiraatijiyadda, Colonel Hatem Al-Falahi, waxa uu ku sababeeyay ku guul-darraysiga Yahuudda inay baabi’iso awoodaha Xamaas inay tahay  hababka ay udhisantahay muqaawamada, oo ay ka mid yihiin adeegsiga godadka dhulka hoostiisa ah iyo dagaalka jabhadaynta.

“Go’aanka siyaasadeed ee Sahaayinada ay ku sii waddo dagaalka ka dhanka ah Marinka Gaza ayaa sidoo kale horseeday, in ciidamada Yahuudda ay wiiqanto awooddooda, taasoo ay uga digeen saraakiishii hore ee Yahuudda” ayuu yiri Colonel Al-Falahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here