Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muujisay sida ay uga soo horjeedo una cambaareyneyso go’aanka Sahaayinada ay ku balaarineyso deegaannada la heysto ee buuraha Golan Heights, iyo in ay sii waddo Sahaayinadu burburinta fursadaha Suuriya ee soo celinta ammaanka iyo xasilloonida.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay daabacday wakaaladda wararka Sacuudiga ku sheegtay, in Boqortooyada Sacuudiga ay dib u cusbooneysiisay baaqii ay u dirtay beesha caalamka ee ahaa in ay cambaareyso xadgudubyada Yahuudda.
Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay, baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya, iyo in Golan uu yahay dhulka ay leeyiin Muslimiinta Carabta ah ee Suuriya.
Kayaanka sahaayinada ee xoogga ku haysta dhulka Falastiin, ayaa Axaddii shalay si aqlabiyad ah ku ansixisay qorshaha Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku ballaarinayo deegaamaynta buuraha Golan ee dalka Suuriya. Netanyahu ayaana ku nuuxnuuxsaday, in xoojinta Golan ay xoojinayso jiritaanka Sahaayinada.
Waxay arintaan kusoo beegmaysaa iyadoo dawladaha ku bahoobay waxa loogu yeero Jaamacadda Carabta ay kasoo hartay oo kaliya inay cambaareeyaan ficillada gurracan ee Yahuudda, taas oo malinba maalinta ka danbayso sii qaadanayso qaybo kamida waddamada Muslimiinta, waxaana xusid mudan, in qaar kamida dawladahaas ay xiriir toos ah la leeyihiin kayaanka Sahaayida.