Saddex Qof oo uu ku Jiro nin Ganacsade ah oo ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Waqooyiga Talyaaniga.

23
0

Saddex qof oo uu ku jiro nin ganacsade ah ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhow Parma ee waqooyiga Talyaaniga fiidnimadii Arbacada, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Ganacsadaha ku dhintay ayaa ahaa maamulaha guud ee shirkad lagu magacaabo sausage ee Rovagnati, sida laga soo xigtay isla ilahaas.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee France-Presse, xaaladda keentay shilkan ma cadda illaa hadda, laakiin ceeryaamo ayaa qarisay goobta markii ay diyaaraddu ku burburaysay.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee ANSA iyo website-ka wargeyska La Stampa, mid ka mid ah saddexda qof ee geeriyooday ayaa ahaa Lorenzo Ruffagnati, kaas oo maamula ka ahaa shirkadda walaalkiis Ferruccio.

Shirkadda Rovagnati ayaa caan ku ah wax soo saarkeeda gudaha Talyaaniga waxaana ka shaqeeya in ka badan 1,000 qof oo ku sugan daafaha adduunka, waxa ayna laamo ku ledahay dalalka kala ah Belgium, France, Germany iyo Mareykanka, sida laga soo xigtay mawqica shirkaddaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here