Waaxda Qunsuliyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in safaaradda Mareykanka ee Kiev ay heshay xog ku saabsan suurtagalnimada weerar culus oo dhanka cirka ah, kaas oo lafilayo manta oo Arbaco ah in lagu beegsado, sidaas darteedna ay albaabada u laabayaan safaarada.
Waaxdu waxay ku dartay qoraalka lagu daabacay bogga safaaradda Mareykanka ee Kiev: “Taxaddar awgeed, safaaradda waa la xirayaa, waxaana la soo saaray awaamiir ku aadan shaqaalaha safaaradda.”
Warkan kasoo baxay Safaarada oo sii socda ayaa digniin loogu diray dadka Ameerikaanka ah, in ay raadsadaan meelo gabaad ah oo ay weerarada kaga badbaadi karaan.
Digniintan ayaa ku soo beegantay maalin uun kaddib, markii Ukraine ay gantaalada Atakum ee uu Maraykanka ugu deeqay ay u adeegsatay inay ku garaacdo dhulka Ruushka, iyadoo ka faa’iidaysanaysa hadal uu dhawaan soo saaray madaxwaynaha xilka kasii degaya ee Joe Biden.