Safiirka Mareykanka iyo kuwa Reer Yurub U Fadhiya Jabaan oo Diiday Ka Qeyb Galka Baroordiiqda Xasuuq Ka Dhacay Dalkaas.

52
0

Dalka Jabaan waxaa lagu qabtay munaasabad sannadle ah oo loogu baroordiiqayay xasuuqii uu Mareykanku ka geysay wadankaas gaar ahaan magaalada Nagasaki halkaasoo uu ku tuuray bamka atoomikada.

Sida ay soo tabinayaan warbaahinada wadankaas, safriika Mareykanka ee Jabaan iyo safiirada kale ee reer Yurub ayaa diiday iney ka qeyb galaan munaasabadaas baroordiiqda ah iyagoo ka careysan in loo diiday wakiilka Yahuuda dalkaa u jooga inuu ka qeyb galo xafladda.

Safiirka Yahuuda ayaa loo sheegay “maxaad nagala qeyb gashaa baroordiiq idinka ayaaba saacad walba dad rayid ah u geysanaya wax ka daran xasuuqa aan halkan ugu baroor diiqeynee.” waana arrintaas midda ay ka caroodeen safiirada reergalbeedka.

Sidoo kale waxaan xafladdan lagu casuumin safiirada Ruushka iyo Belarus oo lagu eedeeyay iney gumaad ka geysteen Ukraine. Safiirada Mareykanka iyo Reer Yurub ayaa codsaday in Safiirka Yahuuda laga qeybgeliyo munaasabadda, balse waxaa arrintaas si adag u diiday maamulka magaalada Nagasaki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here