Salaam Somali Bank oo u Hogaansantay Amarka Xarakada Alshabaab.

59
0

War saxaafadeed ka soo baxay bank ga Salaam Somali bank ayaa lagu sheegay in bank ga uu joojiyay qaadista canshuurta ay dowlada Xasan Sheekh ay ku soo kordhisay shacabka Soomaaliyeed.

Salaam Somali Bank oo ah mid ka mid ah bank yada dalka Soomaaliya ugu waa wayn ayaa u hiiliyay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xarakada Alshabaab ay ku dhawaaqday in ay talaabo adag ka qaadayso shirkadaha iyo bank yada u hogaansama amarka dowlada federaalka Soomaaliya ee ku kordhisay canshuurta.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa inay muddo hal isbuuc ah, oo ka billaabanaysa berri ay oo taariikhdu tahay 22 Safar 1446H oo ku beegan 26 Agoosto 2024, hantidooda kagala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynaya boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada, waxaan dadweynaha u sheegeynaa in haddii ay mudadaas ugala bixi waayaan hantidooda ay iyagu qaadayaan mas’uuliyada wixii ka yimaada arintaa iyada ah.” Ayuu yiri afhayeenka xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere.

Dhanka kale war saxaafadeed ka soo baxay Salaam Somali Bank ayaa lagu sheegay in ay gabi ahaanba joojiyeen ka jarista macaamiisha bank ga isticmaala canshuurta dowlada federaalka Soomaaliya ay ku soo kordhisay bulshada.

“Salaam Somali Bank (SSB) waxa uu u caddaynayaa dhamaan Bulshada iyo Macaamiishiisaba in Canshuurta iibka ee 5% ah aysan wax saamayn ah ku lahayn Xisaabaha ka furan Bangiga iyo dhaqdhaqaaqyada Maalin walba ka dhaca ee isugu jira Shaqsi iyo Shirkad.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Salaam Somali bank.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay go’aan Salaam Somali Bank, qaar ka mid ah bulshada ayaa sheegay in ay lacagihii ay kala bexeen Salaam Somali Bank ay dib ugu celin doonan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here