Saldhig uu Maraykanku ku leeyahy Dalka Suuriya oo lakulmay weerar xoogan.

16
0

Warbaahinta dalka Suuriya ayaa sheegtay in saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al-Tanf, oo ku yaalla dhulka Suuriya ee xadka Urdun iyo Ciraaq, lala beegsaday weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn.  

Warbaahin xiriir la leh kooxaha shiicada ah ee ka dagaalama dalka Ciraaq ayaa sheegtay, inay maqleen dhawaqa qaraxyo waawayn oo ka dhacay saldhigga Mareykanka ee deegaanka Al-Cumar kaas oo ku yaalla gobolka Deyruzuur ee dalka Suuriya. Saldhigan la weerar ayaa ahaa goob tababar oo ay adeegsadaan ciidamada Maraykanka. 

Dhankiisa, sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo ku sugnaa goobta weerarka lala beegsaday ayaa warbahinta ushegay, in ay la kulmeen weerar xoogan oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn, wuxuuna ka gaabsaday inuu sheego khasaaraha ka dhashay weerarkaas.  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here