Tan iyo markii uu bikowday dagaalkii duufaanta Al-Aqsaa waxay daabacayeen website-yada iyo xarumaha cilmi-baarisyada ee ka faallooda arrimaha dhaqaalaha warbixinno muujinaaya sida uu uburburaayo dhaqaalaha gumeystaha Yahuudda, iyagoo tilmaamaya inuu ku socdo dhabbihii buburka iyo hoobashada.
Gumeystaha Yahuuda ayaa duullaanka Qaza ku qarash gareeyay wax ka badan 67 bilyan oo dollar, taas oo badankeed ay bixisay dowladda Mareykanka sida lagu xusay warbixinno la daabacay.
Dagaalka ayaa saameyn ku xooggan ku yeeshay dhamaan qayabaha kala duwan ee nolosha gumeystaha sida waxbarashada, dalxiiska iyo ganacsiga. Waxaa hoos udhac aad uballaaran laga dareemayaa heerka waxbarashada iyo dalxiiska, iyadoo kumannaan ruux oo Kirishtan ah una soo dalxiisi jiray dhulka uu xoogga ku heysto maamulka Yahuudda, badina ka imaan jiray wadamada reer-galbeedka ay joojiyeen safarradii ay ku imaan jireen halkaas, maadaama deeganada ay gumeystaha haystaan isku badaleen aagag dagaal.
Howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa ayaa sidoo kale horseeday, qaxii ugu darnaa ebid ay sameeyaan dadka Yahuudda ah, waxaana muuqaalladii ugu horreeyay ee laga keenay dhulka gumeysiga ku jira ay muujinayeen, dad badan oo Yahuud ah oo badankood iyagoo caga cad isaga firxanaya dhulalkii xoogga lagu dajiyay.
Magaalooyinka ay sida aadka ah ooga barakacayaan gumeystaha waxaa ka mid ah Tel-Aviv, oo waxayna tirakoobyadu ay sheegayaan in wax ka badan 40,000 oo Yahuud ah ay isaga qaxeen dhulka uu xoogga ku heysto gumeystaha Yahuuda kuwaas ku laabtay dalalkii ay markii hore ka yimaadeen ee wadamada reer galbeedka.
Khaaraha dhaqaale ee ugu daran waxa uu maamulka Yahuudda kasoo gaaray dhanka millatariga, waxaana uu xoogga saaray sidii u ilaalin lahaa heybadda ciidanka, balse waxa ay ku hor kuftay oo ay ku burburtay duullaankoodii Qaza, boqallaal gaadiidka gaashaaman ah oo ay qaarkood
malaayiin dollar ay ku fadhiyaan ayaa looga burburiyay howlgalka sanad jirsaday ee duufaanta Al-Aqsaa.
Sidoo kale waxaa gabi ahaanba burburay qaar badan oo ka mid ah guutooyinkii millatari ee ciidanka Yahuudda, iyadoo xittaa uu khasaaruhu gaaray ciidanka keydka, kuwaas oo tirakoobyada lahayo ay sheegayaan, in 68% ciidankaas uu maamulka Yahuudda u adeegsaday duullaanka Qaza, heer ay gaartay in ay ciidanku iska diidaan ka qeyb galka dagaalka ayna kala dhuuntaan.