Sanad Kadib iyo Gumeystaha Yahuuda Khasaaraha Ciidan ee ka Soo Gaaray Howlgalkii Duufaanta Al-Aqsaa [ Warbixin].

60
0

Guutada Al-Qassam, oo ah garabka militari ee ururka Xamaas, ayaa bilaabay Hawlgalka “Duufaanta Al-Aqsa” subaxnimadii Sabtida, 7, Oktoobar, 2023.

Subaxdaas waxa uu caalamka marti galiyay mid kamid ah howlgaladii ugu waaweynaa ee soo maray dunida, kadib markii weerar aan nuuciisa horay loo arag ay kooxaha Muqaawamada Filastiiniyiinta ku qaadeen maamulka gumeysiga Yahuuda.

Duullaanka 07 October ee loogu magac daray Duufaanta Al-Aqsaa ayaa hadda sanad jirsaday, xilli uu ku sii fiday dalal dhowr ah uu ka mid yahay dalka Lubnaan.

Dhanka Yahuudda weerarkii 07 October ayaa waxa uu ku yeeshay saameyn aan horay usoo marin gumeytaha Yahuuda, sababtoo ah xisaabta ma ugu jirin in dharbaaxo militari oo nuucaan ah ay ku dhici doonto.

Dagaalka Qaza ee sanad jirsaday ayaa dhulka la galay dhaqaalaha gumeystaha, marka laga yimaado Yahuud badan oo lagu laayay weerarada Muqaawamada, iyo maxaabiista ku jira gacanta koxaha iskacaabinta reer Falastiin.

Maamulka Yahuudda ee gumeysiga iyo argagixisnimada ku dhisan, waxa uu tan iyo billowgii howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa aad uga dagaallaamayay, islamarkaana uu didaal ballaaran ku bixinayay in aan la ogaan khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa, iyo dagaalada dhanka barriga ah ee ay ku qaadeen marinka Qaza, balse taasi waa ay socon weysay, oo qaar ka mid ah warbaahinta gumeystaha ayaa qeyb ka noqday, warbaahinnada sida joogta ah utabinayay khasaaraha lixaadka leh ee soo gaarayay ciidamada Yahuudda.

Tirakoobyada ay warbaahinta caalamka ay ka daabacday khasaaraha nafeed ee ka dhashay Howlgalkii 7 October ee gaaray maamulka gumeystaha Yahuudda, waxaa lagu sheegaa in uu ka badan yahay 3,000 oo dhimasho ah, kuwaas oo In ka badan 700 oo kamid ah ay yihiin saraakiil iyo askar katirsan maamulka gumeysiga, halka dhaawacana ay warbaahinta Yahuudda ku sheegtay inta udhexeysa 12,000 illaa 13,000 oo ubadan ciidamada gumeysiga.

Balse tirakoobyadaan waxaa aad uga hor yimid falanqeeyayaasha iyo dadka sida dhaw ula socda khasaaraha is daba joogga ah ee gaaraya gumeystaha,  sababtoo ah Yahuuda ayaa ku caanbaxday in ay qariyaan lnasaaraha dhabta ah ee soo gaara.

Dadka sida dhaw ula socday khasaaraha cadowga Yahuuda ka soo gaarayay, ayaa sheegay in tirada saxda ah ee dhimashada Yahuudda ay udhexeyso 16,000 illaa 17,000 oo u badan ciidanka gumeysiga.

Waxaa dood ka aysan doodi ka taagneen in khasaaraha nafeed ee maamulka gumeystaha Yahuudda kasoo gaaray howlgalkii cuslaa ee 7 October uu yahay mid aad uweyn, si kasta oo ay Yahuuda isugu dayaan qarinta jabkaasna ay usuura gali weysay qarintiisa, sababtoonah waxaaba yar maaalin aan askar Yahuud ah lagu dilin degaannada kala duwan ee Jiidda Qaza, iyadoo waliba la keenayo muuqaallo is daba joog ah oo muujinaya dhiig baxa aadka u daran ee ay ciidanka Yahuudda ku wajahayaan Marinka Qaza.

Intaa waxaa dheer in ka badan 50 askari oo katirsan gumeystaha Yahuudda, oo ku dhintay rasaasta saaxibadood, kadib markii ay soo wajaheen xaalado nafsi oo ay ka soo qaadeen duullaankooda Qaza, waxaana si guud dadka Yahuudda ah ee xaalaadka naafsiga ah ka qaaday howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa lagu sheegaa iney kor udhaafayaan 800,000 oo Yahuud ah, taas oo muujineysa heerka uu gaaray walwalka iyo walbahaarka ay dadka Yahuudda ah ka qaadeen weerarkii 7 October ee dhabarka ku dhuftay gumeystaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here