Saraakiil Lagu Laayay Gobalka Wajeer & kolanyo Keenyaanti oo Qarax Lagula Eegtay Gobalka Mandheera.

9
0

Waxaa lagu soo waramayaa, in cutubyo ka tirsan millatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay howlgal qorsheysan habeenkii xalay ka fuliyeen deegaanka Qarso ee hoostaga degmada Qorof Xaraar ee gobalka Wajeer ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.

Howlgalkaas waxey millatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen Cadow Cali Buureey oo ahaa gudoomiyihii dowlada Kenya ugu magacownaa deegaanka Qarsa, Waxeyna Mujaahidiintu gudoomiyaha ka furteen qori AK47 ah. Sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah oo aan helnay.

Sidoo kale Mujaahidiintu waxey howlgalkaas ku dileen sarkaal daba dhilif ahaa oo lagu magacaabi jiray Nuur Gaabis Cali kaasi oo si gaar ah ula shaqeyn jiray ciidanka Afduubka ee dowlada Kenya.

Xogaha ayaa intaasi ku daraya, millatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay muddo ku daba jireen labadaas sarkaal kuwaasi oo dhibaato xoogan ku hayay bulshada Muslimka ah ee ku dhaqan deegaankaas.

Sidoo kale, guutada jugta culus Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxey qarax la beegsadeen kolanyo Keenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa magaalooyinka Mandheera iyo Raama ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.

Qaraxa ayaa haleelay oo burburiyay gaari Kooyal ah oo kolanyada qeyb ka ahaa waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Keenyaanka ee la socotay gaarigaas. Sida ay tibaaxayaan macluumaad rasmi ah oo aan helnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here