Hawlgalkii duufaanta Al-Aqsa ee ay ku dhawaaqeen iska caabinta Falastiiniyiinta 7-dii October, 2023-kii, ee ka dhanka ahaa Yahuudda ayaa horseeday in tiro ka mid ah saraakiishii sar-sare ee ciidanka gumaystaha ay is casilaan.
Febraayo 8, 2024-kii, madaxii waaxda cilmi baarista sirdoonka milatariga ayaa iscasilay, sababo la xiriira inuu ku guul daraystay in uu akhriyo macluumaadka la xiriira Marinka Gaza ka hor dagaalkii duufaanta Al-Aqsa.
Abriil 22, 2024-kii, madaxa sirdoonka millatariga ee Sahaayinada, Aharon Haliva, ayaa iscasilay, wuxuuna ku dhawaaqay inuu dusha u iridaya mas’uuliyadda fashilkii dhacay Oktoobar 7, 2023-kii.
Taliyaha Qaybta Gaza, Avi Rosenfeld ayaa sidoo kale iscasilay 9-kii June 2024-kii, sababtuna waxa ay tahay, in qaybtiisa ay ku guuldareysatay inay iska caabiso weerarrada kaga imaanayay Guutooyinka Qassam garabka militari ee Xamaas.
Bishii Luulyo 11, 2024-kii, taliyaha gobolka koonfureed ee adeegga amniga gudaha ee Yahuudda, Shin Bet, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay shaqadiisii sababa ay kamid tahay inuu ku guuldareystay inuu wax ka qabto weerarrada muqaawamada.
Liiskaan waxa kale oo ku jiray sarkaalkii sirdoonka ee qaybta Gaza oo iscasilay Agoosto 29, 2024-kii, kadib markii lagu eedeeyay in uu iska indho tiray warbixinnada ka imaanayay dhaqdhaqaaqa Qassam ee aan caadiga ahayn ka hor Oktoobar 7, 2023-kii, sida ay sheegeen warbaahinada Sahaayinada.
Horraantii Sebtembar 2024-kii, Major General Yossi Shariel, oo ahaa taliyaha Unugga Sirdoonka qaybta 8200 ee ciidanka Yahuudda, ayaa iscasilay waxa uuna usababeeyay inay qaybtiisa ku guuldareysatay inay bixiso digniinta degdeg ka hor dagaalkii duufaanta Al-Aqsa. Isla bisha Sebtembar, Major General Tamir Yadai, oo ahaa taliyihii ciidamada dhulka ee Sahaayinada ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay sababo isaga u gaar ah.
9-kii Janaayo, Sarreeye Gaas Caamir Baram oo ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Yahuudda ayaa warqad u diray taliyaha ciidanka Yahuudda, taasoo uu ku sheegay inuu doonayo inuu iska casilo xilka uu hayo dhammaadka bisha soo socota.
Wasiirka amniga qaranka ee xagjirka ah, Itamar Ben-Gvir, ayaa iska casilay xilkiisa, 19-kii bishan isagoo ka soo horjeeda heshiiska xabad joojinta ah ee ka hergalay Marinka Gaza, kadib markii ay Yahuuddu ku guul daraysatay dagaalkii duufaanta Al-Aqsa.
Talaadii shalay tariikhduna ay ku beegnayd Janaayo 21, 2025-ka Taliyaha guud ee ciidamada Yahuudda Herzi Halevi ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay, waxa uuna qaaday mas’uuliyadda fashilka Yahuudda soo gaaray 7-dii October 2023-kii. Isla maalintaas ayuu taliyaha qeybta Koonfureed ee ciidanka Yahuudda Sarreeye Gaas Yaron Finkelman ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilkaasi, maadaama uu ku guuldareystay in uu ka hor tago weerarrada Muqaawada.
Ugu danbayntii, Muqaawada Falastiin iyo shacabka dulmi diidka ah ee ku nool Marinka Gaza oo isgarabsanaya ayaa Sahaayinada sanka dhulka ugu jiiday Allaah fadligii, saraakiishii Yahuudda ee shalay afka xoorta ka kicinayay waa kuwaan maanta maciin biday inay xilka iska casilaan kadib markii ay ku hoogeen ujeedooyinkii guracanaa ee ay ka lahaayeen Marinka Gaza.