Sarakiishii ugu Saraysay Sahaayinada ee lagu dilay Jiida Qaza. (Warbixin)

40
0

Ciidamada Yahuudda ayaa boqolaal askartooda iyo saraakiishooda ka tirsan ku waayay duulaanka gardarada ah ee ay ku qaadeen marinka Qaza, Kadib weerarkii Taariikhda galay ee Duufaanta Al- Aqza.

Halkan waxaan kusoo koobi doonaa saraakiishii ugu caansanaa ee ciidamada Yahuudda looga dilay dagaalka sanad jirsaday ee kasocda marinka Qaza,, dilka saraakiishan ayaa kala dhantaalay awooda ciidanka gumaystaha, kadib waxay bilaabeen xasuuq aan loo meel dayin oo galaaftay nolosha tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah si ay ugu aaraan dilka Saraakiishooda.

Kornayl Daksa

Sarkaalkan waxa uu ka tirsanaa kooxda Druze, waana sarkaakii ugu danbeeyay ee maalin kahor lagu dilay Jiida Qaza. Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay in Daqsa uu ahaa sarkaalkii ugu darajada sareeyay ee lagu dilo dagaalka Qaza. Wuxuuna ka mid ahaa 4 sarkaal oo weerar kamiin ah lagu dilay, kaas oo ka dhacay magalada Jabaliya.

Kornel Assaf Hamami

Ninkan oo ciidanka gumaystaha kusoo biiray 2001-dii, waxa uu soo qabtay xilal kala duwan, oo uu ugu dambeeyay Taliyihii Guutada Koonfureed ee Qaybta Qaza. Ninkan maydiisa wali waxaa gacanta ku haya muqawamada Falastiiniyiinta.

 

 

 

Kornel Yonatan Steinberg 

Ninkan wuxuu taliye u ahaa guutada Nahal, oo ka mid ah shanta guutooyin ee lugta ah ee ciidanka Yahuudda. Kornelkan waxaa la dilay bilowgii duulaanka gardarada ah ee ay Yahuudu kusoo qaadeen jiida Qaza, isagoo ku sugan meel u dhow goobta Kerem Shalom ee koonfur-bari  Marinka Qaza.

 

 

 

Kornel Leon Bar

Ninkan isna waxaa ladilay bilowgii dagaalka, Taariikhu markay ahyd Oktoobar 13, 2023-kii, wuxuu ku dhintay iska hor imaad ay cidankiisu la galeen wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee daanta galbeed.

 

 

 

 

Kornel Roi Youssef Levy

Sarkaalkan darajadiisu waxay ahayd Gaashaanle Sare, wuxuu ahaa Taliyaha Qaybta Jimicsiga (Ghost Unit) sidoo kale wuxuu taliye ka ahaa Xarunta Tababarka Dab-damiska, Guutada Baram, Unugga Egoz, iyo Guutada Golani. Waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Raciim.

Sida laga soo xigtay joornaalada Yahuudda, Levy iyo Steinberg, labaduba waxay ka mid ahaayeen saraakiishii ugu sarraysay ee Yahuuddu ku wayday duulaanka gardarada ah ee ay ku qaadeen marinka Qaza.

 

Kornel Yitzhak Ben Bassat

Sargaalkan ayay isagana  darajadiisu ahayd Gaashaanle Sare, wuxuu ahaa taliyaha guutada Yiftah, lagasoo bilaabo Sebtembar 2023-kii. Waxa uu sidoo kale taliye ka ahaa guutada Baran, sidoo kale wuxuu ahaa taliyaha qolka hawlgalada ee guutada Golani.

Waxa la dilay December 12, 2023-kii, isaga iyo tiro kale oo askar ah, kadib weerar gaadmo ah oo ay muqawamada Falastiiniyiintu ka fuliyeen xaafadda Shujaiya ee waqooyiga Marinka Qaza.

 

Gaashaanle dhexe Sahar Makhlouf, wuxuu ahaa taliyaha guutada 481-aad ee   dhanka isgaarsiinta.

Gaashaanle Dhexe Yonatan Benjamin Tzur, wuxuu ahaa taliyihii sahanka ee guutada Nahal, iyo taliyaha guuto ka tirsan guutooyinka Golani, waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay koonfurta Marinka Qaza.

Gaashaanle dhexe Elie Ginsburg, wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan cutubka Shayteet 13, ciidanka badda ee gaarka ah.

Gaashaanle Dhexe Aleem Abdullah, wuxuu ahaa taliye ku xigeenka guutada 300. Waxaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay xadka Lubnaan 9-kii Oktoobar, 2023-kii.

Gaashaanle Dhexe Maidan Yisrael, wuxuu ahaa taliyaha saadka ee taliska koonfureed ee ciidanka Yahuudda.

Gaashaanle dhexe Salmaan Habqa, wuxuu ahaa taliyihii guutada 53aad, ee qaybta 188-aad, waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Marinka Qaza.

Gaashaanle Dhexe Tomer Greenberg, wuxuu ahaa taliyihii guutada 13-aad ee guutada Golani, isna waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Marinka Qaza December 12, 2023-kii.

Gaashaanle Dhexe Nathaniel Yaakov Al-Kubi, wuxuu ahaa taliyaha guutada 630-aad ee dhinaca  Ku simihiisii Yair Cohen, ayaa isna kamid ahaa sarakishii la dhimatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here