Sarkaal Iiraani ah: Iiraan Waxay Isku Diyaarisay Dagaal Lafo Jabis ah.

47
0

Sarkaal hore oo ka tirsanaa dowladda Iiraan kana mid ah dadka u dhow madaxweynaha dalkaas Bezhkian, ayaa sheegay in Iiraan ay isu diyaarinayso dagaal dheer oo lafo jabis ah, iyadoo uu weerarka lagu qaaday isbitaalka ciidamada gumeystaha Yahuuda ee Soroka ki til,amay in ay tahay fariin loo dirayo Donald Trump. Waxa uu xusay in Trump uu dhowr jeer ku hanjabay dilka Khameyni, taas oo Iiraan ku kalliftay inay muujiso in ay weli hayso “kartooyin dagaal oo badan”.

Sida laga soo xigtay sarkaalka, dowladda Iiraan waxay xaqiiqijisay bartilmaameedyo ay ka mid yihiin Soroka iyadoo adeegsatay dukumentiyo sir ah oo ay heleen kahor inta gumeystaha Yahuuda dagaalka si buuxda u iclaamin.

Waxaa la sheegay in dowladda Iiraan fasax siisay shaqaalaha dawladda mudo todobaad ah, qaarna u ogolaatay inay guriga ka shaqeeyaan, iyadoo laga cabsi qabo in Israa’iil ay beegsan doonto dhismayaasha wasaaradaha ee Tehran iyo gobollada.

Iiraan waxay gabi ahaanba jartay internet-ka gudaha, si ay u carqaladayso sirdoonka Israa’iil, iyadoo si kooban internet ugu furaysa warbaahinta ka hor inta aysan mar kale goynin.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in dagaalkan uu yahay mid mareykanku hormuud u yahay, isagoo sugaaya in la weeraro oo la burburbiyo mashruuca nukliyeerka ee Fordo.

Ugu dambayn, waxa uu sheegay in isbitaalka Soroka, oo ku yaalla meel u dhow xarumo ciidan oo muhiim ah sida “IDF Technology Campus”, ay Iiraan ku garaacday gantaalka “Dulfiqar”, oo ah nooc ka mid ah gantaallada balastikada ah ee awooda u leh inuu burburiyo bartilmaameedyo istaraatiiji ah oo ku yaala gudaha dhulka ay Yahuuda xoogga ku haystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here