Sarkaal ka Tirsan Booliska Kenya oo Lagu Dilay Dalka Haiti.

31
0

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa si xun loogu dhaawacay dalka Haiti shalay Axadii, kaas oo goor dambe u geeryooday dhaawacaas, wuxuuna qeyb ka ahaa hawlgalka ay Kenya ka wado dalkaas oo la gula dagaalamayo kooxaha burcadka ah.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay la kulmaan saraakiisha  Kenyanka  ah ee ka shaqeeya dalkaas, waxaana askarigan lagu dhaawacay howlgal ka dhacay gobolka Artibonite oo ku yaalla waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay waxa loogu yeero Xafiiska Taageerada Amniga Caalamiga ah.

Boqolaal askari oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugan dalka Haiti tan iyo bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, kaddib codsi kaga yimi dhanka Ra’iisul wasaaraha Haiti oo dalbaday faragelin shisheeye, si xal loogu helo rabshadaha soo noqnoqday  ee dalkaas hareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here