Sarkaal Sare oo ka tirsan Xisbullaah oo Sheegay in uu Wadahadal Hub Dhigis ah Lagali Doonaan Madaxwaynaha Lubnaan.

10
0

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka shiiciga ah ee Xisbullaah ayaa warbaahinta la wadaagay in kooxdiisu ay diyaar u tahay wadahadal ku saabsan hubka dhigis oo ay la galaan madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun, haddii ay Yahuuddu ka baxdo koonfurta Lubnaan oo ay joojiso duqaymaha ay ka fulinayso.

Ilo siyaasadeed oo Lubnaaniyiin ah ayaa sheegay, in madaxwaynaha Lubnaan uu doonayo inuu bilaabo wadahadallo uu la yeelanayo ururka Xisbullaah, kuwaas oo ku saabsan hubka dhigis lagu sameeyo kooxdan, madawxaynahan ayaana taageero buuxda ka haysta Mareykanka, isagoo horay u balan qaaday in uu hubka ka dhigi doono Xisbullaah haduu xukunka la wareego.

Xisbullaah ayaa awood ahaan daciiftay kaddib markii dabayaaqada sanadkii lasoo dhaafay laga dilay hogaamiyahoodii ugu sareeyay Xassan Nasrallaah, waxaa sidoo kale kooxdan hoos u dhigay awoodeeda afgambigii nidaamka Bishaar Al-Asad halkaas oo marin u ahayd taakulada ay Iran siiso Xibullaah.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili ay isa soo tarayaan baaqyada ku aadan in kooxdani ay hubka dhigaan, iyadoo  Ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salaam uu sheegay in dagaalka iyo nabadduba ay ku jiraan gacanta dowladda, cid walbana ay ka go’an tahay arrintaas, wuxuuna sheegay in xakameynta hubka ee gobolka ay dhawaan noqon doonto ajandaha ay ka shaqayso dowladiisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here