Shabakada Soomaalimidnimo oo Akhristayaasheeda iyo Guud ahaan Umadda Muslimka ah ugu Hambalyaynaysa Munaasabada Ciidul Adxaa.

11
0

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaah subxaanahu watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyona ha ahaato Nabigeennii Muxammad (SCW), ehelkiisii, asxaabtiisii iyo dhammaan inta ku dayata wanaaggiisa ilLaa maalinta qiyaame.

Shabakadda Soomaalimidnimo iyadoo ka duuleysa masuuliyadda saaran ee wacyigelinta iyo u adeegidda umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxay munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa awgeed u diraysaa salaan diiran dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Muslimiinta.

Waxaan leennahay: Ciid wanaagsan, Allaah  ha idinka aqbalo cibaadadiinna, soonkiinna, sadaqadiinna iyo xoolaha aad u gawracaysaan Allaah Subxaanahuu Watacaalaa.

Waxaan sidoo kale dareenkeena la qeybsaneynaa dhammaan walaalaheenna muslimiinta ah ee ku dhibataysan daafaha caalamka gaar ahaan Marinka go’adoonsan ee Qazza, anaka oo Allaah uga baryayna inuu ka dulqaado culayska saaran iyo cadowga iskusoo bahaysatay, waxaan sidoo kale dareenka la qaybsanaynaa dadka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada cadowga . Waxaan u rajeyneynaa in Alle ka dulqaado dhibta, una sahlo faraj iyo furfurnaan degdeg ah.

Ugu dambeyntii, waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajeyneynaa in Allaah uu siiyo dawlad Islaamiya oo cirif illaa cirif dalka ku maamusha shareecada Allaah, lagana hello cadaalad iyo u hiilinta dadka dulman.

Ciid Mubaarak, Kullu Caamin wa Antum Bi Khayr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here