In ka Badan 40 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Deegaanka “Geel-gub” ee Shabeellada Dhexe.

14
0

Dagaallo dhowr jeer lagu jabiyey ciidamada dowladda Fadaraalka ayaa maanta waxay ka dhaceen duleedka deegaanka “Geel-gub” ee Shabeellada Dhexe.

Inta la xaqiijiyey waxa ay malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka talaabsadeed maydadka 22 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Fadaraalka, kuwaas oo 13 kamid ah ay meydadkooda uga carareen goobta dagaalka, waxaana lagu dhaawacay dagaalladaasi 21 kale.

Warar ayaa intaasi ku daraya, in ciidamada dowladda Fadaraalka ee ay guul darradu ku habsatay ay markii danbe u firxaday dhanka deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadalle ee gobalkaasi.

Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haayo deegaanka “Geel-gub” ee gobalka Shabeellada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here