Shacab Jarmalka ooo ka Dibad Baxay Hadal uu Madaxweyne ku Xigeenka Mareykanka ka Jeediyay Dalkaas.

22
0

Tobanaan kun oo qof ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka, si ay u diidaan xukunka xisbiga midigta fog.

Mudaaharaadkan ayaa yimid kadib markii madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance uu soo saaray baaq muran badan dhaliyay oo uu u jeediyay xisbiyada Jarmalka, isagoo ka codsaday inay furaan albaabka midigta fog.

Illaa 30 kun oo qof ayaa ka qeyb galay banaanbaxa, sida ay sheegeen booliska, halka qabanqaabiyaasha dibad baxayaashana  ay sheegeen in mudaharaadka ay ka qayb galeen 38 kun.

Dibadbaxayaal badan ayaa walaac ka muujiyay in AfD uu noqdo xisbiga labaad ee ugu weyn dalka, kadib doorashadii sharci dejinta ee dhacday 23-kii bishan.

Halka ra’yi ururintii ugu dambaysay ay saadaalisay in xisbigaas uu ku guulaysan doono inta u dhaxaysa 20 iyo 21 boqolkiiba codadka. Robert Borth, oo 32 jir ah, una shaqeeya shirkadda tareenada ee Jarmal, ayaa sheegay in uu ka cabsanayo isbadalka siyaasadeed ee hadda ka jira Jarmalka.

Khudbad uu Jimcihii ka jeediyay shir ka dhacay magaalada Munich ayuu madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ugu baaqay xisbiyada waaweyn ee Jarmalka inay ka tanaasulaan diidmadooda ku aaddan la shaqeynta midigta fog, hadalkaas ayaana kiciyay boqolaal kun oo kasoo horjeeda waxa loogu yeero xisbiga midigta fog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here