Mid ka mid dadka falastiiniyiinta u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ku sugan magaalada Al-Khaliil ee koofurta Daanta Galbeed ayaa sheegay, in isaga iyo wiil uu dhalay ay tacadiyo kala kulmeen ciidamada gumeysiga, kaddib markii ay muddo 4 saacadood ah xabsiga ku haayeen.
Sidoo kale mid ka mid ah Guddiga Difaaca Al-Khaliil oo lagu magacaabo Caarif Jaber oo 50 sano jir ah ayaa sheegay, in ciidamada ay qabteen isaga iyo wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Caamir oo 20 sano jir ah, xilli ay dib uga laabanayeen gurigooda oo ku yaalla xaafadda Jaber, oo ah xaafad ku taalla bartamaha magaalada oo ay xireen ciidamada Yahuudda.
Jaber ayaa intaa ku daray, in ay garaaceen ciidamada Yahuudda isaga iyo wiilkiisa, wuxuuna sheegay in wiilkiisa si daran ay ugaraaceen, waxa uuna xusay in gumaystaha ay sii daayeen muddo ku dhow 4-saacadood kaddib.
Dhanka Wiilkiisa Caamir waxa uu sheegay in loo gudbiyay Isbitaalka Al-Khaliil, isla markaana lagu sameeyay Baaritaano, waxaana la xaqiijiyay inuu nabarro ka soo gaaray jirdilkii ay ku sameeyeen ciidamada gumaystaha, waxa uuna helay daweyntii loo baahnaa.
Iyadoo ay barbar socoto dagaalka ba’an ee ay ku hayaan Gaza, ciidamada Sahayinadu waxay kordhiyeen howlgallada ay ka wadaan Daanta Galbeed, waxayna sii ballaariyeen weerarrada ay ku hayaan Falastiiniyiinta iyo hantidooda, taasoo keentay in ay ku shahiidaan 795 qof iyo dhaawaca 6,450 kale, sida ay sheegtay xogta rasmiga ah ee ka soo baxday falastiiniyiinta.