Shacabka Yahuudda ah ee sida xoogga loogu deegaameeyay deegaada Daanta Galbeed ayaa weeraro ku qaaday deegaano dhowr ah, waxayna gubeen guryo, dukaamo iyo gaadiid ay lee yihiin dad Falastiiniyiin ah.
21 Falastiiniyiin ah ayaa la dhaawacay fiidnimadii Isniinta, kaddib markii ay shacab Yahuud ah weerar ku qaadeen magaalooyinka Al-Funduq iyo Jinsafut oo u dhow magaalada Qalqilya oo ka tirsan Daanta Galbeed.
Bayaan kasoo baxay xarakada Xamaas ee wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa lagu yiri “ Bulshooyinka Yahuudda ah ee garab ka ahelaya xukuumadda dabadhilifka ah ee Maxamuud Cabaas ayaa caddayn buuxda u ah ujeedooyinka guracan ee Yahuuddu ku doonayso inay ku boobaan dhulka Falastiiniyiinta”.
Waxa ay intaa ku dartay in Yahuuddu aysan ku guulaysan doonin in dadkeena lagu riixo in ay ka tanaasulaan xuquuqdooda, balse ay horseedi doonto adkaysi iyo hal’adaygnimo, iyaga oo carabka ku adkeeyay in aysan ogalaan doonin Yahuudda lagu deegamaynayo dhulka Falastiin.