Sheekh Abuu Shafic oo Ku Shahiiday Marinka Qaza.

2
0

Sheekh Abu Shafic oo ahaa masuulkii ugu sarreeyay Takiya “Abdullah Azzam” ee howlaha samafalka ka fulisa gudaha marinka Qaza, ayaa la xaqiijiyay in uu  ku shahiiday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha gumeysiga Yuhuudda.

Duqeyntan ayaa ka dhacday gudaha xerada qaxootiga ee Al-Nusayraat, oo ku taalla bartamaha Marinka Qaza.

Sheekh Abu Shafic ayaa muddo dheer ka shaqeynayay taageerada iyo daryeelka qoysaska danyarta ah, agoonta iyo dadka barakacayasha ah ee ku sugan Qaza, isaga oo hormuud u ahaa hawlaha gurmadka iyo kaalmada bani’aadantinimo ee ay bixiso Takiya “Abdullah Azzam.”

Geerida sheekha ayaa ah mid khasaare weyn ku ah dadaallada samafalka ee ku wajahnaa bulshada muslimiinta ee ku dhibaateysan kuna go’doonsan gudaha magaalada Qaza.

Weerarkan lagu dilay sheekh Abu Shafic ayaa qeyb ka ah duqeymo joogto ah oo ciidamada gumeysiga Yuhuudda ku bartilmaameedsadaan xarumaha bulshada, shaqaalaha samafalka iyo dadka rayidka ah ee ku nool xeryaha qaxootiga, taas oo horseeday khasaare naf iyo maalba leh oo si joogta ah u soo gaara dadka rayidka ah.

Shacabka Qaza iyo guud ahaan dadka Muslimiinta ah ayaa si weyn uga tacsiyeeyay shahaadada Sheekh Abu Shafic, iyagoo Alle uga baryay in uu ku manneysto janatul firdows.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here